MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Khaliif C/Qaadir Mucallim Nuur oo xilal dhow ah ka soo qabtay Dowladihii ugu danbeeyay ee dalka soo maray ayaa maanta xamar kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.Khaliifka oo ay reer hoose isku yihiin Madaxweynaha ayaa waxaa dhalay mid ka mida culumaa’udiinka ugu caansan Soomaaliya Macalin Nuur Maxamed Siyaad.
Boqolaal dad ah ayaa soo camirey munaasabada uu maanta uga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne iyadoo khud-booyinka laga soo jeediyay.
Isla munaasabada waxaa maanta Khaliifka loogu doortay Gudoomiyaha xisbi ama Urur siyaasadeed la magac baxay Samadoon kaasoo uu kaga qeybgeli doono doorashooyinka madaama xisbiyo laga dhigay doorashada soo socota.
Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mid ah Xildhibaan,Wasiir iyo Safiir oo uu hadaba yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM




DAYNIILE.COM





