waxaa sii kordhaya khasaaraha tirada dadkii maanta ku dhintay qaraxii duhuradii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay sii mareyso 20 ruux halka intaas ka badana ay dhaawacmeen.

Advertisement

masuuliyiin badan ayaa ka hadlay kuwaasoo dhamaantood ku eedeeyay qaraxa inay soo maleegeen kooxda Alshabaab.

gaariga walxaga qarxa ka buuxeen ayaa la sheegay inuu soo gaaray bar koontorool kadibna markuu ogaaday inuusan baxsaneyn ayuu is qarxiyay sida wararka aan ku helnay.

halka gaariga uu ku qarxay ayaa waxaa ka dhawaa  goobo ganacsi sida maqaaxiyo badan kuwaasoo dad badan ay ku sugnaayeen waana sababta keentay in dadka ugu badan ee dhintay ay shacab yihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamada Dowlada oo maanta la wareegay deegaamo cusub oo ka tirsan gobolka Hiiraan+Sawirro
Next articleCali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay qaraxii Baladweyne ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here