LUG-HAYA (DAYNIILE.COM)-Waxaa sii kordhay tirada dhimashada iyo dhaawaca kala gaaray laba Maleeshiya Beeleed oo shalay ku dagaalamay Deegeen Xeebeedka Lug-haya Gobolka Awdal ee Maamulka Somailand kuwaasoo saaka wali is hor fadhi xili aysan jirin wax ku kala dhex jira.
Warar ku dhaw dhaw aaga dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ilaa iminka dhimashadu tahay 8 ruux halka dhaawucuna yahay 17 ruux inta laga war hayo.
Labada Maleeshiyaadka Beeleed ee is haya ayaa kala ah Beesha Ciise iyo Beesha Abrayn ee Samaroon,waxayna labadoodaba sku hayaan lahaanshaha dhulka weyn ee taariikhiga ah ee Saylac, Lughaya illaa Lowyacade oo ay wada dagaan dadkaani walaalaha ah.
Wararka dadka deegaanka laga helayo waxay sidoo kale sheeayaan in labada maleshiyo beeleed kala helayaan gurmadyo xili sidoo kale ay wadaan isu hub urursi hor leh ,mana jirto ilaa iyo iminka wax talaabo ah oo uu qaaday Maamulka Waqooyiga Somalia ka jira ee Somaliland la baxay.
Dhanka kale warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Somaliland ayay ku beeniyeen warar warbaahinta caalamiga ah qaarkood sheegeen taasoo ah in ciidamo shisheeye lagu arkay Gobolka Awadl , waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen maamulka Somaliland inaaney waxba ka jirin wararkaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
