Muqdisho (dayniiile.com)- Khaaaare nafeed iyo bur bur ayaa ka dhashay weerar hoobiyayaal ah oo saaka ku dhacay guryo dad shacaba ay leeyihijn.

Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay xaafado ka mida Degmada Wada-jir waxaana si gaar ah khasaare u gaystay mid ka mida madaafiicdaasi oo guri ku habsaday.

Advertisement

Hooyo Soomaaliyeed oo uur lahayd ayaa la sheegay inay ku geeriyootay  gurigaasi hoobiyaha uu ku dhacay  saaka waabarigii hore.

Sidoo kale qaar ka mida caruurtii Marxuumada ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Maaha markii ugu horeysay balse caadi ayuu ka noqday hoobiyayaashaani sida indha la’aanta ah magaalada loogu garaacaayo xili uusan lahayn bartilmaameed rasmi ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.

 

Previous articleXeer Ilaaliyaha Qaranka oo racfaan ka qaatay Xukunkii Maxkamada G/banaadir
Next articleGaari loo diyaarshay is qarxin loona ekeysiiyay raashin oo lagu qabtay Magaalada Doolow+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here