Shil khasaare badan oo nafeed gaystay ayaa laga soo sheegaya inuu ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Shilkaan oo shalay dhacay waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10 ruux kadib markii gaari caasi ah oo waday rakaab badan uu dar-daray neef ari ah taasoo keentay inuu wadada ka baxo islamarkaana uu hadana markuu ku soo laabtay ku dhacay gaari weyn.

Advertisement

Shilkaan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Jigjiga iyo degmada Shabeeley ee gobolka Faafan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 12 ruux kuwaasoo qaarkood daran yihiin.

Isbitaal ku yaal Magaalada Jig-Jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Itoobiya ayaa lagu dabiibayaa dhaawacyada,waxaana lagu tilmaamay shilkaan mid ka mida kuwii ugu khasaaraha badnaa ee halkaasi ka dhacay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Xulka Koonfur-Galabeed oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo
Next articleCiidamada Itoobiya oo dhufeysyo ka qotay Degmada Dooloow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here