AF-GOOYE (DAYNIILE.COM)-Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Degmada Afgooye ee Gobolka Shbeelaha hoose ayaa warbaahinta kala hadlay dab xalay fiidkii qabasaday suuqa Degmadaasi kaasoo geystay khasaare hantiyeed.
Gudoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in dabkaasi baabi’iyay 5 tukaan iyo maqaaxi balse inta kale lagu guuleystay in dabka laga bad-baadiyo,masuuliyiinta waxay xuseen in shacabka iyo shirkada Hormuud iyo kooxda dam-damiska ay iska kaashadeen daminta dabkaasi.
Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystay dabkaasi balse waxaa wax beelay ganacsato yar yar oo tukaamo yar yar ku lahaa halka dabku burburiyay sida maamulku sheegeen.
Sababta Dabka dhaliyay si rasmi ah looma yaqaan sida maamulku sheegay balse waxaa jirta tuhun ah in koronto uu ka bilowday dabkaasi tukaamada ay ku bas beeleen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
