Faah faahini dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xooggan oo xalay fiidkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo daminta dabkaasi ay qaadatay saacado dheer.

Ciidamadda amaanka ayaa sugayay amniga gudaha suuqa iyo hreerihiisa, waxaana inta ay howsha daminta dabka uu socday la fasaxay socodka Mootooyinka oo istaagta habeenkii marka la gaari 12:00AM ee saqda dhexe.

 

Waxaa jiro khasaare hantiyadeed oo aad u badan oo uu dabka sababay, balse wali tirakoob rasmi ah lagama soo saarin xadiga khasaaraha.

 

Si kastaba, Suuqyada ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa waxaa ku badan dabka ka kaca goobaha ganacsiga, iyadoo uuna dabku gaysto burbur hantiyadeed oo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here