HomeWarkiiKhatarta ka dhalan karta ku tiirsanaanta raashinka badan ee dibada kaga yimaadac...

Khatarta ka dhalan karta ku tiirsanaanta raashinka badan ee dibada kaga yimaadac reer Somaliland

W/Q: Eng. Xamse Odey

Xogtani waxay ka timi warbixinta seddex biloodka dhoofka iyo soo dejinta ee Wasaaradda Maaliya JSL)

Intii u dhaxaysay Jan–March 2025, Somaliland waxay dibadda ka soo iibsatay raashin ku dhow $155 milyan. Tani waxay muujinaysaa sida dalka uu khatar ugu jiro dhinaca amniga-cuntada, maadaama isbeddel kasta oo caalami ah uu si toos ah u saameyn karo nolosha dadka.

Bariiska ayaa ugu badan, waxaana la soo dejiyey 3.1 million 50KG Bags, halka sonkorta la keenay 2.1 million bags, daqiiqda (wheat flour) 1.65 million bags, galley 0.15 million bags, iyo digir 0.015 million bags. Intaa waxaa dheer, saliid cunto ayaa la keenay oo ah 23.3 million litirs, khudaar 18.4 million kg, midhaha (Fruits) 7.7 million kg, iyo caano iyo waxyaabaha laga sameeyo in ka badan 4 million kg/litir.

Khatarta ka dhalanaysa ku-tiirsanaanta raashinka dibadda laga keenayaa waa mid muuqata: nolosha shacabka waxay ku xidhan tahay raashinka dibadda, gaar ahaan bariiska, sonkorta iyo daqiiqda.

Sicir-bararka ama hakadka suuqa caalamiga ahi wuxuu si toos ah u saameeynayaa Somaliland, iyadoo wax-soo-saarka dalku weli aanu daboolin karin xataa qayb yar oo muhiim ah.

Bariiska oo keliya ayaa la soo dejiyey in ka badan 3 million 50KG Bags saddex bilood gudaheed, taasoo cadeynaysa nuglaanta dalka. Haddii aan la maalgelin wax-soo-saarka waddaniga ah — beeraha, biyaha, kaydinta iyo farsamaynta — Somaliland waxay ahaan doontaa mid si weyn ugu nugul isbeddellada dunida. Waxaa la gaadhey waqtigii la xoojin lahaa wax-soo-saarkeena si loo sugo amni-cunto oo waara.

Talo-kooban

Si Somaliland uga baxdo ku-tiirsanaanta raashinka dibadda, waa in la:

  1. Xoojiyo wax-soo-saarka dalka – gaar ahaan bariiska, galleyda iyo daqiiqda.
  2. Taageero beeralayda qalab, aqoon iyo suuq lagu kalsoon yahay.
  3. Maalgeliyo waraabka iyo kaydinta biyaha.
  4. Dhisaa xarumo kayd iyo farsamaynta cunto si looga hortago khasaaraha.
  5. Sameeyaa siyaasad qaran oo amniga cuntada.

W/Q: Eng. Xamse Odey

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -