Khilaaf weyn oo siyaasadeed ayaa soo kala dhex galay Dalalka Kenya iyo Dr Congo oo ka wada tirsan Dallada Bariga Afrika oo dhawaan Dowlada Soomaaliyana ay ku biirtay.

khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii Siyaasi weyn oo u dhashay dalka Dr Congo uu Nairobi kaga dhawaaqay inuu xiriir la sameystay Urur Mucaarad ku ah Dowlada Dr Congo oo lagu magacaabpo M23.

Advertisement

Dowlada Dr Congo oo aad uga carootay arintaas ayaa u yeeratay safiiradii ka joogay dalalka kenya iyo Tanzania kadib markii ay qaadan waayeen  sida siyaasigaasi ugu dhiiraday inuu shir jaraa’id maalin cad ku qabto Nairoobi, iyagoona u fahmay in Dowlada Kenya wax ka ogtahay.

Safiirka Tanzania waxay ugu yeerteen madaama Tanzania tahay Xarunta Dallada Isbahaysiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika.

Dowlada Dr. Congo waxay Dalladaan ku soo biirtay sanadkaan iyagoona dhowr bilood uun ka horeeyay Somalia oo bishii hore u suutagashay inay ku biiraan.

Caqabad weyn ayay ku noqon kartaa ganacsatada Soomaaliyeed hadii uu sii socdo khilaafkaan oo aan degdeg loo xalin maxaa yeelay ganacsi xooggan ayay Soomaalidu ku leeyihiin Dalalkaani khilaafku ka dhex qarxay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleAxmed Karaash oo taageeray in 49 Xildhibaan laga dhigo Baarlamaanka Puntland
Next articleSaciid Danni mar kale ma u tanaasuli doonaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here