Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Kooxda lshabaab dhexdooda uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay isu awood sheegasho dhexdooda ah iyadoo qaarkood la sheegayo in xabsiga la dhigay markii uu amar ka soo baxay madaxdooda sar sare.
Cabdul qaadir Cikrama oo ka mid ah saraakiisha Alshabaab ayaa wararku tilmaamayaan in xabsiga la dhigay kaasoo ka mid ah raga ugu halista badan Alshabaab,Cikrana Mareykanka ayaa hore u dul dhigay madixiisa lacag dhan 5 milyan oo dollar iyadoo lagu eedeeyo inuu ku lug lahaa dilal iyo weerarro ka dhacay Kenya.
Cikrima waxaa laga shakiyay markii uu ka baxay deegaanada Alshabaab maamulaan kadibna uu soo laabtay markaasoo xarigiisa la amray,khilaafaadka kooxdaan dhexdooda maaha wax hada bilowday ,khilaafkii uu Mukhtaar Roobow uga soo tagay Alshabaab wuxuu sababay inay dagaal yahano badan iska dilaan ilaa dhowr sano uu uu duurka ku jiray taasoo keentay ugu danbeyn inuu Dowlada isku soo dhiibo xiligii Farmaajo walow ay xabsiga dhigeen ka hor inta aan Xasan ka dhigin Wasiirka uu hada yahay.
Mahad Kaarateey oo ka mid ah madaxda sare ee Alshabaab ayaa isna bilaabay dhaq dhaqaayo uu doonayo inuu kaga hor tago inuu banaanka u baxo khilaafkla dhexdooda ah isagoo amray in kor lagala socdo xubnaha khilaafka ku lugta leh.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
