Shalay Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo oo uu hoggaamiyo duqa Cusub ee Magaalada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Faraweyne waxaa ay si ku meel gaar ah mudo seddex bilood ah u hakisay dacwadaha la xiriira dhulka, hayeeshee waxaa kasoo horjeesatay Maxkamadda Magaalada Kismaayo.

Qoraal Maanta kasoo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa lagu buriyay amarkii kasoo baxay Duqa Kismaayo ee dhawaan lamagacaabay oo uu kufarayay in lajoojiyo Dacwadaha dhulalka oo lana hakiyo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu soo bandhigay in duqa degmada Kismaayo uusan sharciyad u laheyn in uu joojiyo Shaqada Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Kismaay, isla markaana warqada kasoo baxday aysan waxba kajirin sababaha soo socda.

1. In warqadaas ay ka soo horjeedo madaxbaanida Ha’yadda garsoorka, kaasoo lagu cadeeyay dastuurka Soomaaliya iyo kan Jubaland sida ku cad  Qodobka 106 faqradisa 1aad Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Garsoorku wuxuu ka madax banaanyahay laamaha dawladda ee sharci dajinta iyo fulinta, marka ay gudanayaan xilkooda xubnaha garsoorku waxay u
hogaansamayaan oo kaliya sharciga),
Qodobka 49aad faqradiisa 2aad ee dastuurka Dowlad goboleedka Jubaland (Garsoorku wuxuu ka madaxbanaayahay baarlmaanka iyo golaha fulinta.

Dhammaan garsoorayaashu waa inay uhaystaan dammaanad mudada xilka loo magacaabay, sidoo kalena ay kasoo horjeedaan awoodda garsooridda ee maxkmadaha.

Khilaafkaan Cusub ee soo kala dhexgalay Duqa Degmada Kismaayo iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli duqa Cusub ee degmada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Faraweyne uu la soo baxay dar dar iyo in uu soo saaro amaro culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here