Khilaaf u dhaxeeya mas’uuliyiinta sare ee maamulka Gobalka Banaadir, gaar ahaan Guddoomiyaha Gobalka iyo ku xigeenada Maaliyadda iyo Amniga ayaa sababay in ilaa hadda aan la bixin mushaarka shaqaalaha Gobalka Banaadir, xili bilooyinkii lasoo dhaafay ay qaadanayeen inta u dhaxeysa 25 ilaa 30-ka bil walba.

Sidoo kale waxaa jiro warar sheegaya in bishaan dhamaan shaqaalaha dowladda Hoose laga jari doono 10% waxaana lacagtaas lagu sheegay in lagu taakuleyn doono dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobalka.

Advertisement

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka meer meeray in qasnadda dowladda laga bixiyo lacag taakulo ah, laakiin taas badalkeeda ayey qaateen in laga jaro shaqaalaha dowladda Hoose, waxaase lees weydiinaya cidda maamuli doonto lacagtaas iyo cadadkeeda maadaama aan si rasmi ah loo ogeyn mushaarka shaqaalaha iyo taradooda.