Kulankii U dhaxeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxadeeynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni ee muqdisho ayaa ku dhamaadey is afgaranwaa

Ilo xogogaal ayaa u xaqiijiyey Isha wararka www.dayniile.com in Khilaafka u dhaxeeya labada Madaxweyne uu salka ku hayo Arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Khamiista u safro dalka Itoobiya.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in Madaxweyne Deni uu Khamiista ku wajahan yahay magaalada Addis Ababa.

Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Itoobiya.

Safarkan ayaa soo aaday xilli la filayay in Madaxweyne Deni u safro magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Kala socda halkan Aqbaartii ugu dambeeyey

Www.dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here