Waxaa cirka isku sii shareeray Khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Qoor-Qoor iyo Cali Ciid.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Magaalada Cabud-waaq lagu qabtay fadhi lagu sheegay mid lagu dooranaayo Madaxweyne cusub  taasoo keentay in dhanka kale si adag uga hadlaan.
Kulanka Doorashada madaxweynaha Galmudug waxaa la sheegay inuu ka dhacay Xafiiska Madaxweyne xigeenka Maamulka Galmudug.
War ka soo baxay dhanka Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa lagu sheegay in Maxkamada looga yeeray xubnihii Golaha deegaanka ee ka qeyb qaatay doorashada ka dhanka ahayd Qoor-Qoor,
Warqadaan oo ka soo baxday Maxkamada Galmudug ayaa lagu sheegay in sharciga looga yeeraayo 4 xubnood oo Golaha Deegaanka ka tirsan kuwaasoo ku eedeeysan  falal amaanka lidi ku ah iyo qabashada doorasho sharci daro ah,magacyada afarta eedeysane ayaa kala ah
Cnasir Mxd Axmed
Jaamac Cabdullaahi Cabdi
Maxamed xasan Nuur
Axmed C/salaan.cabdi
hilaafkaan oo meel xun gaaray ayaa sidaan oo kale sababay in saaka uu xirmo garoonka diyaaradaha qaadka ay ka soo degaan ee Magaalada Cabud-waaq.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIIILE.COM
Previous articleDAAWO VIDEO: Dhul gariir Boqolaal ruux ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Maroco+SAWIRRO
Next articleMaxaa kala socotaa Masaska ku heeraarsan Madaxweyne Xasan Sheikh oo qaboowgii Villa Soomaliya ka doorta furunta dagaaka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here