Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta hadal ka jeediyey kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay ee u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyey sida ay ugu taageereen in baaritaan sax ah lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa kulankaas ka sheegay inuu aad uga xunyahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray, kadib khilaafkii ka dhex qarxay isaga iyo Farmaajo, xilli uu dalku ku jiro doorashooyin.

Waxa uu balan qaaday inuu dadaal ku bixin doono ka hortagga xiisad ka dhalata khilaafka u dhaxeeya xafiisyada ugu sareeya dalka, isla markaana uu xaaladaha taagan u maareyn doono si xilkasnimo iyo miyir leh.

“Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga,”  ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay Rooble in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka, dadka Soomaaliyeed-na uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diirad saaridda doorashooyinka dalka ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here