Musharax Xildhibaan Cabdi Fataax Cumar Ibrahim oo ka mid ah Xisbiga Madaxweyne Xasan ee JSP ayaa afka furtay markii la musuq maasuqay sida uu sheegay doorasho uu codad badan oo deeaankiisa Galmudug uu heley.
Musharaxaan wuxuu eeda inta ugu badan dusha kaga tuuray Xoghayaha Arrimaha Doorashooyinka ee Xisbiga JSP, Sakariye Xasan Gaashaan kaasoo uu sheegay inuu is daba marin ku sameeyay codadkii uu helay sida uu warka u dhigay.
“Madaxweyne Xasanow Wasiir Fiqi asagaa yiri dalka laba xisbi ayaa kajirta oo ah JSP iyo As,ee ogow JSP maantaa nalagu dulmiyay banaanka ayaan ka tegeynaa xisbiga kale ayaana taageereynaa”ayuu yiri isagoo ula jeeday Alshabaab madaama Fiqi yiri Dalka laba Xisbi ayaa ka jira JSP iyo Alshabaab
Sidoo kale Musharax C/fataax wuxuu ugu hanjabay kuwa qaatay kursigii uu isagu u tartamayay inaysan calfan doonin.
XUQUUQDA MUUQAALKA
Wariye Xaafid Nuur
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
