Khilaafkii dhax maray Madaxwayne Farmaajo & Ex Ra’isul wasaare khayre kadib, waxaa soo shaac baxday

0

Khilaafkii dhax maray Madaxwayne Farmaajo & Ex Ra’isul wasaare khayre kadib, waxaa soo shaac baxday in Ethobia Xiriirkeeda ku koobnaay Labada Masuul mid kamid ah,

Safarka khayre ee Jabuuti ayaa Waxa uu sii iftiiminayaa in khayre wax Wada shaqayn ah kala dhaxayn waddamada Faragalinta ku sameeya soomaaliya ee Kenya, Ethobia & Eratria, Waana Masuulkii ugu horeeyay ee layimaada Siyaasad ka Madax banaan wadamadaas,

Khayre ayaa la aaminsan yahay in uu xiriir wayn la leeyahay Wadamada Maraykanka, Turkiga , Modowga Yurilub, Jabuuti & Wadamo kale , ku waasoo dhamaantood la dhacsan Habkii Wanagsanayd ee uu ula dagaalmay Musuq Maasuqa kuna kobciyay Dowlad wanaaga & isla Xisaabtanka ku dhisan daah furnaanta,

Dadka sida dhabta u daraaseeya siyaasdda soomaaliya, Ayaa ku tilmamaay in farqi wayn u dhaxeeyo Musharaxnimadda khayre & Musharixiinta kale, Dowladaha Faragaliya doorashada soomaaliya ayaa raadinaya heshiis ay lagaaraan khayre, balse khayre ayaa lagu yaqaan in uu yahay nin aan ku gor gortamin Aayaha & Mustaqbalka soomaaliya, waana nin ku ad adag hadafkiisa ah in soomaaliya lagula macaamilo siyaasad aan lahayn shuruud & Heshiis u danaynaya wadamo Shisheeye, waana Arinka ay ku kala tageen “Qatar” oo wadankeeda ku casuuntay ,shirna kula lahayd mudo Laba isbuuc ah.

Dhanka kale, waxaa muuqata in musharaxiinta kale badankood u fadhiyaan Kenya, sidii Ay Wadamo shisheeye ulasoo gali lahaayeen heshiis,iyagoo miiska soo saaraya balanqaad ah in ay Fulinayaan Danaha wadamadaas,

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here