XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa dhaleeceyn xooggan u jeediyay weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak, kaddib markii uu ku gacan seyray inuu u ciyaaro kooxdiisa ama uu tababar la qaato saaxiibadiisa, isagoo ku dooday in ballan looga baxay.
Waxaa horay loo xaqiijiyay in Newcastle ay diiday dalab ka yimid Liverpool oo ahaa £110 milyan oo gunnooyin lagu daray, si ay ula wareegaan saxiixa Isak. Hase yeeshee weeraryahanku wuxuu ku adkaystay inuusan sii ciyaari doonin, isagoo war-saxaafadeed ku sheegay in kooxda ay jebisay heshiis qarsoon oo u dhexeeyay isaga iyo kooxda.
Carragher ayaa isbarbardhig ku sameeyay xaaladda Isak iyo dhacdadii Fernando Torres sanadkii 2010, markaas oo uu ku adkeystay inuu Liverpool uga dhaqaaqo Chelsea.
