Senetor Siciid Siyaad Shirwac oo katirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay kiiska xukunkii sabtidii maxkamada ciidamada qalabka sida Soomaaliya riday.

Xukunkaasi waxaa lagu riday nin la sheegay inuu ka dambeeyey dilka Maxamed Xaashi Faarax balse ehelada marxuumka ayaa waxay beeniyeen in ninka xukunka maxkamada ku riday uusan wiilkooda dilin.

Qoyska Marxuumka ayaa waxay sheegeen in askari uu dilay Maxamed Xaashi Faarax sidaa awgeedna shakhsiga xukunka lagu riday ayaa ay sheegeen in uusan dilka geysanin oo ay cadaalada in la horkeeno codsanayaan.

Senetor Siciid Shirwac ayaa cod dheer ku sheegay in General Shuute iyo General Liibaan Cali Yaroow ay garsoorkii iyo cadaaladii dalka ku badesheen sandareerto ay qaateen waa sida uu senetorka warka udhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here