Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Komandooska Gorgor ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanadan, oo ay horay u joogeen khawaarijta, ayaa saakay si buuxda gacanta ugu galay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad.
Ciidamada ayaa sidoo kale ka soo saaray miinooyin culus goobihii ay saakay kala wareegeen khawaarijta, iyagoo sugay amniga tuulooyinkii la qabtay.



