XIGASHO LAACIB.NET
Daafaca kooxda Liverpool, Ibrahima Konate, ayaa u mahadceliyay kumanaan qof oo fariimo, taleefanno iyo ducooyin usoo diray ka dib geeridii ku timid aabihiis, Hamady Konaté.
Xiddigan 26-jirka ah ee u dhashay dalka Faransiiska ayaa ka maqnaa guushii 3-0 ahayd ee ay Liverpool ka gaartay kooxda Marseille tartanka Champions League habeenkii Arbacada. Tababare Arne Slot ayaa xaqiijiyay in maqnaanshaha Konate ay la xiriirtay geeri qoyskiisa soo wajahday, isagoo sheegay inay tahay xaalad aad u murugo badan.
Konate ayaa warka geerida aabihiis la wadaagay taageerayaasha maalintii Khamiista, isagoo ku qoray bartiisa Instagram. Habeenimadii Jimcaha, ka dib markii lagu soo tukaday salaaddii jinaasada ee aabihiis, wuxuu soo dhigay farriin qiiro leh oo uu ugu mahadcelinayo dadka garab istaagay:
“Aad ayaan idiinkaga mahadcelinayaa fariimaha, taleefannada, dareenkiinna iyo joogitaankiinna maanta ee masaajidka. In kasta oo aanan awood iyo waqti u helin inaan qof kasta u jawaabo, haddana tani si dhab ah ayay ii taabatay, faa’iido weynna way ii leedahay. Waad ku mahadsan tihiin taageerada iyo ducooyinka. Ilaahay ha idin dhowro. Dhammaanteen xaga Alle ayaan ka nimid, isaga ayaana u laaban doonnaa.”
Maadaama uu wali la joogo qoyskiisa, Konate ayaa seegi doona safarka ay kooxdiisu maanta oo Sabti ah ugu ambabaxayso Bournemouth si ay u ciyaaraan horyaalka Premier League.
XIGASHO LAACIB.NET
