XIGASHO LAACIB.NET

Afhayeenka xisbiga Socialist-ka Spain, Patxi López, ayaa dhaliyay muran weyn kadib markii uu sheegay in ka qeybgalka Spain ee Koobka Adduunka 2026 shaki ku jiro, haddii xulka Israel uu u soo baxo tartanka ka dhici doona Mexico, Maraykanka iyo Canada.
López oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay: “Arrinta waqtigeeda ayaa la qiimeyn doonaa,” isagoo tilmaamay suuragalnimada in Spain ay ka baaqato tartanka haddii Israel ay usoo baxdo. Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaranka RTVE ay shaacisay inaysan ka qeyb geli doonin Eurovision 2024 haddii Israel lagu casuumo, taas oo ka tarjumaysa cadaadiska diblomaasiyadeed ee dowladda Spain iyo xisbiga Socialist-ka ay saarayaan Israel sababo la xiriira xaaladda Gaza.
López wuxuu xusay in xisbigu doonayo in la hirgeliyo cunaqabateyn isboorti oo la mid ah tii lagu qaaday Ruushka markii uu ku duulay Ukraine, isagoo xaqiijiyay in codsiga ah in Israel laga saaro tartamada caalamiga ah la tixgelinayo, isla markaana hay’adaha isboortiga caalamiga ah ay tallaabo qaadi karaan.
Si kastaba, murankan ayaa soo baxay iyadoo fursadaha Israel ee u soo bixitaanka Koobka Adduunka ay aad u liitaan, maadaama ay kaalinta saddexaad kaga jiraan group ka uu hogaaminayo xulka taariikhda weyn leh ee Italy. Si toos ah ayaa xulka kaalinta koowaad loogu xaqiijinayaa ka qeybgalka tartanka, halka kooxda kaalinta labaad ay ciyaareyso kulamo isreeb-reeb oo dheeraad ah.
XIGASHO LAACIB.NET
