MUQDISSHO (DAYNIILE.COM)-Xog-hayaha guud ee Madasha mucaaradka samatabixinta Maxamed Aadan Koofi ayaa eedeyn ba’an dusha kaga tuuray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Agaasimaha sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad.
Mr Koofi wuxuu sheegay in Xog uruurin ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dhamaan dadkii shacabka ahaa ee dhawaan lagu dilay xaafada Horseed ee Muqdisho ay masuul ka yihiin Madaxweyne Xasan iyo Agaasime Mahad Salaad.
“Xog uruurinta ilaa hadda aanu samaynay, waxaa dhacda kasta oo dhul-boob iyo barakicin ah ku jira, oo weliba hoggaaminaya, Barakiciye Madaxweyne Xasan Sh, iyo Barakiciye Taliyaha NIsa” ayuu yiri Koofi
Xog-hayaha guud ee Madasha mucaaradka samatabixinta Maxamed Aadan Koofi wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha iyo Mahad Salaad ay lambarada 1aad iyo 2aad uga jiraan liiska gacan ku-dhiigleyaashii qeybta ka ahaa xasuuqii shacabka ee 14-ka August ka dhacay degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho sida uu warka u dhigay.
Koofi oo qoraalkiisa ku faafiyay barihiisa bulshada ayaa ku soo gabagabeeyay “Caddaaladdu maalinbay danyarta u shaqayn doontaa”
XAFIISKA WARARKA SIYASADA
DAYNIILE.COM
