MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xog-hayaha guud ee Golaha Mustaqbalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa qoraal gaaban oo uu goor dhaw soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu durba kaga hadlay masuuliyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo Caawa wadooyinka laga xirtay xili ay u sii socdeen xerada Xalane.
“Waddo la xiro, diyaarad la celiyo, madax la horjoogsado, mukeyf la dansado iyo musqulo la xirto ma ahan dhaqan u fiican dowladnimada, waxayna tusaale u tahay niyad xumida hoggaanka maanta” ayuu yiri Koofi
“Ninka sidaas u dhaqmaya ayaa ku doodaya Villa Somalia ayaan gogol dhigay ee halla iigu yimaado” ayuu mar kale yiri Koofi
Koofi wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan inuu ka danbeeyo talaabooyinka nuucaan ah sida qoraalkiisaba ku cad xili uu ku soo gaba-gabeeyay Dowladnimooy xaal qaado!
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
