HomeWarkiiKoofiya casta Madaxtooyada oo Kismaayo loo daabulay si ay amniga Madaxweyne Xasan...

Koofiya casta Madaxtooyada oo Kismaayo loo daabulay si ay amniga Madaxweyne Xasan u sugaan

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo horu dhac ah oo sugaya amniga Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa loo daabulay Magaalada Kismayo iyadoo diyaarado ay ka qaadeen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaan isla maanta lagu wadaa inay Kismaayo gaaraan wafdi horudhac ah oo ka socda Dowlada Soomaaliya xili Madaxweyne Xasan isaguna uu Kismaayo ku wajahan yahay Jimcaha insha Alllaah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe isaguna oo isaguna Nairobi ku sugan uu beri oo arbaco ah ku laabanayo Kismaayo.

Warar kale oo aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu diiday ciidanada badan ee Villa Somalia ka socda kuwaasoo Kismaayo lagu dal dalayo  xili uu Dalka ka maqan yahay.

Qorshaha wada-xaajoodka Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inay ka danbeeyaan Dalka carbeed ee Imaaraadka halka kuwa dariska sida Itoobiya iyo Kenya iyaguna ku lug leeyihiin cadaadiska socda.

Inkastoo shiaheeyuhu qorsheynayeen in Nairobi uu ka dhaco kulanka Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa hadana waxaa arinkaasi diiday Madaxweyne Xassan isagoo waliba doortay inuu Kismaayo tago markii warar kale sheegeen in Axmed Madoobe diday inuu Xamar tago.

Socdaalka Madaxweyne Xassan ee Kismaayo ku wajahaan Jimcaha wixii ku soo kordha wraarkeena xiga ayaad kala socon soontaan insha Allah.

XAFIISKA WARARKA SIYAAFADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -