Bilihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo batay dhibaatoyinka isugu jira dilka, dhaca dalkaas loogu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamid ah kuwa ku Ganacsada dalkaas.

Labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika dil loogu geystay Soomaali farabadan, halka qaarkood si barer ah loo boobay hanta ay lahaayeen, waxaana barbar socday weeraro kale.

Kooxo burcad ah iyo dad kale oo shacab ah ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay boobeen Gaari u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, isla markaana sida dalab rooti ah xilli uu marayay waddo muhiim ah oo ku taal Xaafad ka tirsan Magaalada Cape Town.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay krortay cabsid ay muujinayaan, kadib markii ay dhaceen dilal iyo boob loo geysanayay Soomaalida.

Tirakoob ay Sameyeen Hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Koonfur Afrika iyo Suxufiyiinta ayaa lagu sheegay in 34 Soomaali ah Sanadkii tegay Ee 2020 lagu Dilay K/Afrika, waxaana ay Muujineeysa in dilalka ugu badnaa ee Soomaalida loo geeystay Sanadkii la soo dhaafay ee 2020 ay ka dhaceen Deegaanada isku raranka ah ee Hoos taga magalada Cape town, alkaasi oo ganacsiyo xoogan ay soomaalidu ku leeyihiin falal dambiyee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here