Muuqaal uu ku lammaanaa qoraal ayaa si weyn loogu dhex faafiyey baraha bulshada ee dalka Koonfur Afrika, iyada oo lagu sheegay in mooskan dhawaan laga keenay Soomaaliya uu ku jiro gooryaan la yidhaahdo Helicobacter, islamarkaasna uu sitto bacteria xanuuna keenta.

Qoraalkaas ayaa sheegayay in 12 saacadood ka dib isticmaalka mooskaas , qofku uu u dhiman doono xanuunnadu maskaxda.

Dawladda dalkaas, ayaa beenisay warkaas iyaga oo bulshada u ballan qaaday in mooskaska yaalla dalkaas uu yahay mid caafimaad qaba, isla mar ahaantaana lagu iibiyaa ay yihiim kuwo ammaan oo caafimaad ahaanna la cuni karo.

Waxaana sheegashada in khudaartaas “laga keeno Soomaaliya” lagu tilmaamay war been abuur ah.

“Waaxdu waxay sii waddaa inay si feejigan ula socoto cuntooyinka dalka soo gala, badeecad kasta oo looga shakiyo inay khatar ku tahay ama waxyeello u geysanayso bulshada iyo dhulkayaga, looma oggolaan karo inay soo gasho Jamhuuriyadda ama lagala baxo. haddii khatartan oo kale la ogaadana si habboon ayaa tallaabo looga qaadaa” ayay sheegtay wasaaradda

“Waaxdu waxay sheegtay in Koonfur Afrika ay nidaamiso soo dejinta dhirta iyo wax-soo-saarkeedaa iyadoo la eegayo Xeerka Cayayaanka Beeraha, 1983 (Xeer No. 36 ee 1983) iyo xeerarkeeda la xidhiidha, kuwaas oo u baahan in badeecadaha la soo dejiyo lagu kormeero dekedaha ama, wixii laga shakiyana la galiyo karantiil,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si joogto ah uga feejigan tahay la socodka cuntooyinka dalka soo gala, isla markaana badeecad kasta oo lagu tuhmo inay khatar ku tahay ama waxyeello u geysanayso macaamiisha ama dhulka aan la oggolaan doonin inay soo gasho jamhuuriyadda Koonfur Koonfiur Afrika.

Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.

Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.

Macdanta Potassuim ee jidhka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jidhka taas oo mooska laga helo.

Haddaba, mooska waxa ku jira walxo shucaaca nukleeriga ah leh oo aan aad u badanayn, dhibaatana aan u lahayn cafimaadka iyo nolosha qofka midna.

Mana jirto dhibaato gaar ah oo mooska uu leeyahay.

Xilligan casriga mooska ayaa lagu daraa, khudaarta sii dabar go’aysa.

Waxaa lagu sababeeyaa in aan moosku lahayn wax iniin ah oo sahli karta in la sii beero.

Dad cilmi baadhayaala ah ayaa ku mashquulsan sidii ay xal ugu heli lahaayeen.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka hodanka ku ah mooska, waxaana xilliyadii dawladdii Siyaad Barre marar badan loo dhoofin jirey debedda.

Muddooyinka danbe se badanaa lama arko cid dhoofinaysa mooska, inkasta oo ay suuragal tahay in ay jiraan shirkado si khaasa uga ganacsadaa.

Xigasho: BC

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here