MOMBASA (DAYNIIILE.COM)-Deegaanka Kisauni ee ismaamulka Magaalo Xeebeedka Mombasa-Kenya waxaa ka dilaacay koox burcad ah oo dadka leysa sida ay sheegtay idaacada StarFM.

Xaafad ka mida Deegaanka Kisauni oo lagu magacabo  Shanzu ayay si gaara uga cabanayan dadka ku nool iyadoo saacadihii iyo maalmihii ugu danbeeyay halkaasi ay dad aan waxba galabsan ku laayeen kooxdaan cusub.

Advertisement

Kooxdaan oo ah dhalinyaro is urursatay lana magac baxday Sungusungu ayaa dileen 3 ruux maalmihii ugu danbeeyay.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa waxaa soo foodsaartay cabsi amni xili Hay’adaha amnigu dhaq dhaqaaqyo wadaan ay kaga hor tagayaan kooxdaan gangiska ah iyagoona dileen wiil ay kooxdaasi ku xiriirsheen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSomali ka bar-bar dagaalamaayay Ruushka oo gacanta lagu dhigay
Next articleAjandaha Shirka Saaka ay Muqdisho ku leeyihiin Xidhibaanada Labada Aqal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here