War goordhaweyd kusoo dhacay hadda warbaahinta dayniile ayaa sheegeysa in dhac loo geystay gaadiid iyo qalab ay laheyd dawladd gobolleedka Puntland.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo laga helayo laamaha Amniga ee Dawlad gobolleedka Puntland, waxaa la sheegay in Guddi loo xilsaaray in ay xog aruurin iyo qiimeyn kusameeyaan goobaha la geyn doono Seejooyinka codbixinta iyo qalabkoodii oo loo diray Gobollada Mudug, Barri iyo Nugaal ay kooxo hubeysan jidgooyo ama isbaaro u dhigteen oo ay ka qaateen baabuurtii iyo qalabkii ay wateen.

Deegaanka Karin Dhiig oo hoostaga gobalka Nugaal, ayaa baabuur ay guddigaasi saarnaayeen laga qabsaday, waxaana la xaqiijinayaa in cod ama muuqaalo ay ka duubteen maleeshiyaadka qabsaday falkaasi.

Kooxda Mudug ayaa kagudbi weysay Deegaanka Birta Dheer ee duleedka magaalada Garoowe.

Dhammaan gaadiidkii u baxay dhinaca gobollada Nugaal, Mudug, Karkaar iyo Barri ayaa guuldareystay, kuna laabtay Xarunta guddiga doorashooyinka TPEC, balse gobollada Sool iyo Sanaag ayey u leexdeen kooxihii loo diray, inkasta oo aysan gaarin.

Xogta la helay ayaa cadeyneysa in kooxahaan is hor istaaga kasameeyey Mudug, Barri iyo Nugaal ay la baxeen Kooxda Badbaadada Puntland.

Kala xadeynta deegaanada ayaa xalay soo baxday, taas oo kicisay xaalad halis ah oo ku aadan Puntland iyo bur burkeeda qolyo ka shaqeynaya oo dilaacay,waxaana Siciid Deni uu dhanka kale doonayaa inuu muddo kororsi sameysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here