Koox ku eedaysan dilkii Taliye Cumar Hiirad Kaarun ayaa dhammaantood gacanta lagu dhigay sida uu xaqiijiyay Maamulka Gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan oo si kooban ula hadlay Puntland Post ayaa sheegay in gacanta lagu hayo koox ka kooban afar nin oo ku eedaysan dilkii Taliyihii Saldhiga degmada Qardho  Cumar Hiirad.

Kooxda loo qabtay dilkii marxuumka ayaa loo gudbiyay xabsiga magaalada Qardho waxaana lagu samaynayaa baaritaan si maxkamad loo horgeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here