MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Koox kubada Cagta ah oo ka dhisan Dalka Canada ayaa maanta soo gaareen Magaalda Muqdisho, iyadoo si weyna loogu soo dhaweeyay Garoonka Adan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan oo lagu magacaabo Toronto FC ayaa ah koox Soomaali ah balse ku dhaqan Dalka Canada, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed Ee kubadda cagta.

Advertisement

Gudoomiye ku xigeenka 3aad xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Yusuf Xuseen iyo Cumar Maxamud mugaanbe oo ah Xubin gudiga fulinta kubada cagta ayaa soo dhaweeyeen kooxdaan Soomaalida ah ee ka timid Dalka Canada gaar ahaan caasimada Totonto.

Kooxda Kubadda Cagta Toronto FC waxay u yimaadeen inay kulamo saaxiibtinimo la yeeshaan kooxaha ka dhisan Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDeegaan hor leh oo Alshabaab laga saaray
Next articleNISA oo soo bandhigtay magacyada lix sarkaal oo Alshabaab laga dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here