Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa soo xirmay, laakiin sheekooyinka ku saabsan wixii dhacay intii uu furnaa ayaa haatan soo baxaya.

Waxaa haatan la ogaaday in Paris Saint-Germain ay dooneysay inay iska iibiso Neymar xagaagii, islamarkaana koox Premier League ah u bandhigtay saxiixiisa.

Manchester City ayaa aheyd kooxdii ay PSG u bandhigtay inay Neymar la wareegaan xagaagii laakiin kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa iska diiday fursadaas.

Tababare Pep Guardiola ayaa la sheegay inuu si shaqsi ah u diiday in Neymar u soo wareego Etihad Stadium.

Neymar ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan 2022/23 laakiin PSG ayaa dooneysay inay iska dirto madaama uu colaad ka dhex abuuray qolka labiska. Sidoo kalena uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Kylian Mbappe inkastoo ay haatan hishiiyeen.

Laakiin markii ay PSG u bandhigeysay City saxiixa Neymar waxay markaas la soo wareegeen Erling Haaland sidaasi darteed qorshaha uguma jirin inay la soo saxiixdaan xiddiga reer Brazil.

City ayaa iska diiday soo jeedintii PSG sidaasi darteed Neymar wuxuu ka sii ciyaari doonaa garoonka Parc des Princes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here