Kooxa Hubeysan oo Habeenkii Labaad dad ku xasuuqay Demada Kooxda ee Gobolka Banaadir

waxaa caawa degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir lagu dilay 3 ruux Halka in kabadan 4 kalana dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka gadaal markii rag hubeeysan ay rasaas oodda uga qaadeen maqaaxi ku taalla xaafadda Nuur Booroow ee degmada kaxda. Raggan ayaa sida la sheegay waxa ay ku hubeeysnaayeen qoryaha fudud ee gacanta waxaana la tilmaamay in arintani ay salka ku heeyso aano qabiil oo muddooyinkii u danbeeyay soo jiitameeysay. Ma ahan markii u horeeysay oo sidan oo kale Dad shacab ah loogu dilo degmada Kaxda waxaana jiray dagaallo iyo dilal qorsheeysan oo horay u dhexmaray dhinacyada walaalaha ah ee u isku haya xiisaddan. Shacabka ku dhaqan degmada Kaxda ayaa waxaa soo wajahday cabsi ballaaran taas oo ku aaddan isku socodka dadweeynaha gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqii ganacsi oo uu saameeyn xoog leh ku yeelanayo xiisaddan sii cakirmeeysa. Hay’adaha amniga maamulka degmada kaxda iyo kan Gobolka Banaadir ayaa ka Gaabiyay soo fara galinta xiisaddani mana jirto illaa hadda Xal Rasmi ah oo la gaaray.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064