MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Ciyaar aad uga adag tii shalay galab ayaa galabta waxaa ku balansan garoonka Muqdisho Stadium kooxaha kubada cagta ee Galmudug iyo Banaadir.

Ciyaartaan oo ah semefiinalaha tatanka maamul Goboleedyada ayaa ka xamaasad badan tii shalay u dhexeysy Hirshabelle iyo Juballand madaama ay yihiin labadaan koox kuwa ugu taageeraha badan tartankaan.

Advertisement

Garoonka marka ay isku soo aadaan labadaan koox aad buu u buuxsamaa waana markii labaad oo ay is wajahayaan, waxaana kulamadii is wada araga 2-1 ku soo badiyay Banaadir.

Xiisaha iyo xamaasada galabta sidii kulankaasi waa ka sii badan yahay madaama kulankaan kooxdii badisa fiinaalaha ay la ciyaari doonto Hirshabelle oo shalay galab rigoorooyin ku gaartay fiinaalaha markii ay ka badiyeen Jubaland.

Haddaba la arki doonaa Gal-mudug iyo Banaadir cida galabta Fiinaalka iska xaadireysa iyo kuwa garoonka ku dhex oyn doonta.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal culus oo Saaka Dowlada iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Caad
Next articleCiidamo NISA ka tirsan oo loo diyaariyay Shirka Baarlamaanka oo Maanta Xiisad gaara xanbaarsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here