XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Vinicius Jr, ayaa waayay fursad mushaar qeyrul caadi ah uu ku qaadan lahaa kadib markii ay kooxaha Saudi Pro League ka laabteen dalabyo dhaqaale oo waali ah, sida uu daabacay Diario AS.
Bilowgii sanadka 2025, xiddiga reer Brazil ayaa la sheegay in loo bandhigay heshiis 5 sano ah oo qiimihiisu gaarayo €1 bilyan, balse wuu iska diiday isagoo doorbiday inuu sii joogo Madrid.
Haatan, isla kooxihii doonayay inay bixiyaan lacagtaas aadka u badan ayaa ka noqday dalabkooda, waxaana lagu soo waramayaa inaanay mar dambe diyaar u ahayn inay bixiyaan mushaar intaas le-eg.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinadu waxay sheegayaan in weli uu jiro xiise xooggan oo kaga imaanaya Sucuudiga, iyadoo kooxo qaar diyaar u yihiin iney bixiyaan ilaa €350 milyan si ay u helaan saxiixa Vinicius.
Mustaqbalka xiddigan ayaa mugdi galay, kaddib markii ay istaageen wada-hadalladii la xiriiray kordhinta heshiiskiisa uu kula jiro Real Madrid. Waqtiga ayaa sheegi doona go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalkiisa.
