=XIGASHO LAACIB.NET=
Warbaahinta dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday war layaab leh oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga xulka Masar iyo Liverpool, Mohamed Salah, iyagoo xaqiijiyay in weeraryahanka reer Afrika uu helay dalabyo waaweyn oo uga yimid kooxaha horyaalka Sacuudiga, taasoo la filayo inay saamayn ku yeelato go’aankiisa xagaaga dambe.
Sida uu qoray bogga Fichajes, Salah ayaa si dhab ah u eegaya fursad cusub oo ka baxsan Liverpool, inkasta oo uu dhowaan cusboonaysiiyay heshiiskiisa. Waxa uu helay dalabyo la tilmaamay inay yihiin “kuwo mucjiso ah”, kuwaas oo si dhab ah u dhaqaajin kara si uu ugu wareego garoomada dalka Sacuudiga.
Mohamed Salah ayaa si cajiib ah u iftiimay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, isagoo dhaliyay 34 gool isla markaana caawiyay 23 kale, taasoo door weyn ka qaadatay hanashada Liverpool ee horyaalka Premier League ee 2024/25 – markoodii 20aad ee taariikhda.
Xogta laga helay isla boggaas ayaa sheegaysa in fursadda uu Salah uga tagayo Liverpool xagaaga 2026 ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa, inkasta oo uu heshiis kula jiro kooxda ilaa 2027. Waxa uu hadda qaataa mushaar dhan £400,000 isbuucii, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan horyaalka Ingiriiska.
Xiisahan ka imaanaya dhanka Sacuudiga ayaa yimid xilli uu Salah qaab ciyaareed heer sare ah ku jiro. Waxa uu ku guuleystay Kabtaa Dahabka markii afaraad isagoo barbarreeyay rikoodhkii Thierry Henry, wuxuuna sidoo kale hantiyay abaalmarino shaqsiyadeed oo badan.
Salah ayaa hadda kamid ah musharaxiinta abaalmarinta Ballon d’Or 2025, kaddib markii uu seegay liiska sanadkii hore. Waxaa weli loo arkaa in uu yahay xiddig caalami ah oo leh awood uu ku wajaho caqabad cusub.
