Qartum(dayniiile.com)- Labada dhinac ee ku dagaalamaya Dalka Sudan ayaa wada  aqbalay inay gaaraan heshiis xabad joojin ah si loo joojiyo dagaalada dalkaasi ee burburka badan sababay.

Sida ay sheegtay Idaacada BBC-da Madaxa ciidamada Suudaan ayaa sheegay dhankooda inay ogol yihiin wada hadal iyo xabad joojin.

Advertisement

“waxaan diyaar u nahay  inaan la fadhiisano oo wada xaajoono  ciidamada naga soo horjeeda ee  RSF, si loo soo afjaro dagaalada sokeeye ee soo bilowday bishii April” ayuu yiri Madaxa Ciidamada Sudan General Abdel Fattah al-Burhan oo ka qeybgalaya shirka QM ee New York.

Masuulkaan wuxuu intaas ku daray inay ku kalsoon yihiin in guulo laga gaari doono wada xaajood kasta..

Dhanka kale madaxa ciidamada RSF oo ku horeeyay aqbalaada Xabad-joojinta ayaa khamiistii Fariin muuqaal ah ku cadeeyay inay diyaar u yihiin xabad joojin Sudan laga hirgeliyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Uganda “Maamulka Somaliland ha qaato siyaasada dantooda halkii ay qaadan lahaayeen Siyaasada aqoonsiga”
Next articleShariif Xasan Sh.Aadan “Hawiye iyo Daarood ayaa noo heshiiyay hadaa nahay Digil iyo Mirifle”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here