Kooxda hubeysan ee Alshabaab ayaa war ka soo saartay weerarkii sabtidii ay Xamaas ku qaadeen dhulka Yuhuuda ku sugan tahay halkaasoo xasuuq ba’an oo aar gudasho ah loogu gaystay.

Bayaan ay soo saareen alshabaab ayay ku sheegeen ugu horeyn inay taageerayaan dagaalamayaasha Xamaas ee ka jira Dalka Muslimka ah ee Falastiin.

Advertisement

Alshabaab waxay tilmaameen in weerarkaasi ahaa mid lagu difaacayo masjidka Al-Aqsa iyo guud ahaan dhulka reer Falastiin oo mudo nus qarni ah Yuhuudu dulmi ku hayaan.

“waan idin soo gurman  lahayn hadiiba aan heysano wado aan soo marno lakin halkiina ka wada anagana halkeena ayaan ka wadeynaa”ayaa lagu yiri Bayaanka Alshabaab oo af carabi ku qornaa

Alshabaab waxay sidoo kale tilmaameen in guusha Xamaas tahay guusha guud ahaan muslmiinta iyagoo dhanka kalana hambalyo hawada u mariyay dagaalyahanada Xamaas ee qaaday weerarka dunida oo dhan la yaaban tahay kaasoo ahaa cir dhul iyo baddaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here