Kooxda Farmaajo iyo Fahad oo qorsheenaya in ay qasaan kalfadhiga berri ee Labada Gole.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in kooxda Farmaajo ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in berri lagu qaso kalfadhiga Baarlamaanka.

Farmaajo ayaa berri damacsan in uu qaso kalfadhiga isagoo adeegsanaayo xildhibaanada NISA kasoo galay Golaha Shacabka iyo kuwa isaga taabacsan ee ku jira labada Gole.

Ujeedka ayaa ah in la bannado kalfadhiga si waqtiga loogu dheereeyo Fahad oo jawaab natiijadeeda la wada ogyahay ka sugaayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaas oo lacago badan ku qaatay kursi u fasixidda Fahad oo aysan jirin meel uu sharciga Dalka kaga yaallo in Maxkamadi fasixi karto.

Haddaba, ma fuli doonaa isku dayga Farmaajo ee ku aaddan baajinta kalfadhiga berri ee Baarlamaanka labadiisa Gole?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here