MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirkii u dhexeeyay Gudiyo ka kala socday Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana dhex dhexaadinayay diblomasiyiin ka socota Turkiga.
Gudiga Dowlada waxaa hogaaminayay Ra’iisulwasaaraha 1-aad ee Dowlada Somalia Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Cadaalada Xasan Macalin, halka dhanka mucaaradka Golaha Mustaqbalka uu horkacayo C/raxaan C/shukuur, waxaana la isla soo qaaday sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyin madaama muda xileedka Dowlada uu ku ekaa 15-kii bishii May walow Dowlada Xasan Sheekh ku adkeysaneyso sanad dheeraad ah inay heysato.
Shirka Maanta oo wajigiisa 1-aad uu soo dhamaaday waxaa markii ugu horeysay ka qeybgalay gudi ka socda kooxda nabad iyo Nolol ee Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo kadib markii dhawaan la isla gartay in Farmaajo lagu soo biirayo wada hadalada u dhexeeya Dowlada iyo Mucaaradka.
Shirka Maanta ee gudiyada dhinacyadu yeesheen waxay ku heshiiyeen in wajiga labaad ee kulankaan la isugu yimaado Maalinimada Khamiista ee soo socota markaasoo ay ku soo biiri doonaan wada hadalada madaxda sar sare ee mucaaradka oo Farmaajo uu ku jiro iyo Madaxda Dowlada.
Turkiga iyo reer Galbeedka ayaa aad u daneynaya in Dowlada iyo Mucaaradka ugu yaraan ku heshiiyaan doorasho nuuc ay raali iskala wada yihiin xili dhawaan dhinacyadu mucaaradku aqbaleen doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah oo muco ay diidanaayeen balse waxaa la isku hayaa dastuurka la waafajinayo iyo sida loo sameynayo qof iyo cid oo ay si weyn ugu kala aragi duwan yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

