Xiriirka Ciyaaraha kubada Cagta Soomaaliya iyo Wasaarada isnortiga Somaliya ayaa maanta  go’aan ka qaatay arinta kooxda Maamulka Koonfur-galbeed kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay wada-hadalo lagula jirey si ay ugu soo laabtaan tartanka oo ay ka caroodeen dhawaan.

Go’aanka Xiriirka iyo wasaarada isboortiga ayaa noqday in Kooxda Koonfur-Galbeed laga tashto isla markaana Ciyaaraha dib loo sii anba qaadaayo berito.

Advertisement

Waxay iclaamiyeen in berito ay dheeli doonaan Labada koox ee kala ah Banaadir iyo Juballand ,sidoo kale Hirshabelle ayaa beri qaadan doonta 3 dhibcood oo nadiif ah iyo sedex gool madaama koonfur-galbeed oo ku aadaneyd ay ka baxeen tartanka.

Seme-fiinaalaha waxaa isku soo haray afarta maamul goboleed ee kala ah:-

1-Banaadir

2-Juballand

3-Gal-mudug

4-Hirshabelle.

Si kastaba sidey isugu aadayaan waxay ku xirnaan doontaa kulanka beri marka la ciyaaro insha Allaah,waxaana la eegi doonaa dhibcaha iyo goolasha.

XAFIISKA WARARKA

DAYKIIILE.COM

Previous articleHowlgal Qorsheysan oo lagu dilay Saraakiil Alshabaab ka tirsanaa
Next articleGudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo booday Degmooyinka Jawiil iyo Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here