XIGASHO LAACIB.NET
Fabrizio Romano ayaa sheegay in xaaladda Mo Salah ee Liverpool ay gaartay meel aad u adag, islamarkaana xalka ugu macquulsan ee hadda muuqda uu yahay inuu January u wareego Saudi Arabia.Waxaa loo badinayaa inuu u dhaqaaqo Al Hilal ama kooxda Al Nassr.
Salah ayaa sabtidii dunida kubadda cagta gilgiley kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday Arne Slot iyo kooxda Liverpool, isagoo sheegay inuu dareemayo in lagu riixayo inuu baxo isla markaana cid ka tirsan kooxda aysan doonayn inuu sii joogo. Hadallada Salah waxay yimaadeen kaddib kulankii 3-3 ee Leeds United halkaas oo mar kale uu keydka ku dhammeystay, taasoo noqotay kulankiisii saddexaad oo xiriir ah oo uusan ciyaarin, isaga oo guud ahaan saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay kaliya 45 daqiiqo ciyaaray.
Romano ayaa sheegay Axaddii in bixitaanka Salah ee January uu hadda yahay xal dhab ah oo miiska saaran, islamarkaana Saudi Pro League ay tahay halka ugu dhow uu u dhaqaaqi karo. Kooxaha Sacuudiga oo hore ugu raad joogay Salah in ka badan laba sano, waxay awood u leeyihiin inay daboolaan baahida mushaharka xiddiga, taas oo aysan awoodin kooxaha Yurub. Tani waxay Liverpool gelisay xaalad aad u adag, maadaama ciyaaryahanka uu si cad u sheegay inuu lumiyay xiriirkii uu la lahaa tababaraha, sidoo kalena uu diyaar u yahay inuu baxo.
Romano wuxuu intaas ku daray in Liverpool ay hadda wajahayso go’aan culus iyadoo Salah uu dhowaan u safri doono Africa Cup of Nations, taas oo sii murjinaysa xaaladdiisa mustaqbal. Xaaladda hadda taagan waxay muujinaysaa in haddii waxba isbedelin, in Salah uu January ka dhaqaaqo Anfield ay noqoneyso mid aad u macquul ah.
XIGASHO LAACIB.NET
