Waxaa Goor dhawayd magaalada Muqdisho ka dhacay Dil aad u fool xun oo loo geestay Dr Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa taqaadiirta ugu aqoonta badan dhinaca maqaarka ee Somaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxo ku Hubeysan Bastoolado ay Dileen Taqtarka oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ee Soomaaliyeed ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqtarka lagu dilay, isaga oo horfadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaalla, isla xarunta uu ka howl-galo ee Albaraka.

Sidoo kale Dhaqtar Buurane oo ku taqasusay xanuunada maqaarka ayaa sanado badan kusoo jiray howlaha caafimaadka, wuxuuna mar soo noqday agaasimaha isbitaalka Madiina.

.
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here