NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Kooxo burcad ah ayaa habeen hore Xaafada Islii-Nairobi waxay Wiil Soomaali ah kaga dhaceen Moble-kiisa gacanta kuwaasoo ku hubeysnaa tooreeyo.
Wiilka la dhacay oo mareegtaan dayniile.com u waramay ayaa noo xaqiijiyay in burcada dhacday ay ka koobnaayeen 4 ruux xili ay wateen mootada labada lugood leh ee Nairobi looga yaqaan Biki-biki.
Wiilka la dhacay oo magaciisu yahay C/Nasir ayaa sheegay in Mobile-kiisa gacanta looga qaatay seventh Street xili uu ku hadlayay inkastoo aysan wax dhibaata kale ah u geysan.
“xalay saq dhexe 3-dii saac ayay ahayd anigoo ka imid 12 Street una hooyanayay Jam Street ayay igu qabteen Seven Street markaasoo inta Mobile-ku iisoo dhacay aan damcay bal inaan la hadlo qofka isoo wacay balse waxan ka war helay iyadoo mooto la isoo ag dhigtay kadibna ay 4 nin isoo hujuumeen islamarkaana qaarkood toorey igu qabteen ,waxay igu amreen inaan Mobile-ka dhiibo waana dhiibay si aan nafteyda u bad-baadsado”ayuu yiri C/nasir
Amniga Nairoobi ayaa bilihii ugu dambeeyay soo xumanayay waxaana ku soo badanayay kooxaha dhaca Tukaamada ganacsiga iyo Taleefoon gacmeedyada , xafladii xuska maalintii ay xoobeen Gobolada waqooyiga Somalia ee 26-kii Bshaan June habeenkii waxaa gabdho badan laga dhacay taleefoonadooda gacanta inkastoo Booliisku soo qabteen dhamaantood.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
