GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)- Kooxo hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa xalay toogtay oo nafta dhaafiyay masuul ka tirsanaa Maamulka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Geddo oo hoos yimaada Maamulka Jubaland.
Masuulka la dilay oo ahaa Gudoomiye Waaxeed mid ka mid ah xaafaaha Magaalada Garbahaareey ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi-Fareey Allaha ha u naxariistee,watna baxsadeen kooxihii dilkiisa ka danbeeyay.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay masuulkaasi qaarka kore kaga dhufteen rasaas badan taasoo sababtay inuu u dhinto rasaastaasi amana yaqaan ujeedka ka danbeeya beegsigiisa.
Hay’adaha amaanka Magaalada Garbahaareey ee hoos taga Dowlada Faderaalka Somalia ayaa mar ay ka hadleen dilka waxay saxaafada la wadaageen inay baaritaan sameyn doonaan islamarkaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii dilka fuliyay sida sharciga loo horgeeyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
