SALAMANCA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Mexico ayaa sheegaya in kooxo hubeysani dad shacabka ku toogteen gudaha garoon kubadda cagta lagu daawanayay,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac badan isugu jira.
Wararka ayaa timaamaya in kooxaha hubeyani dileen 11 ruux halka ay dhaawaceen 12 kale kuwaasoo isbitaalada loola cararay,ciidamada Boliiska ayaa goobta soo gaaray wax yar kadib dhacdadda axadii shalay ahayd waxayna durba bilaabeen baaritaano ku aadan kooxaha dhibaatadaan ka danbeeya.
Gobolka Guanajuato gaar ahaan Magaalada Salamanca oo ah halka garoonku ku yaal ayaa la soo sheegayaa inay hore uga jireen kooxo hubeysan oo isku heysta arimo dhul kuwaasoo ay soo laab laabteen dhibaatada ay isku hayaan iyo tan ay bulshada ku hayaan intaba.
Gobolka Guanajuato ee Dalka Mexico waxaa loo diiwaan geliyay inuu yahay kan ugu dilalka badan dalkaasi inta Gobol uu ka kooban yahay,sanadkii dhamaaday ee 2025 waxaa laga diiwaan geliyay tira ka badan laba kun iyo shan boqol oo dil.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

