HomeWarkiiKooxo hubeysan oo dad shacabka dil iyo dhaawac ugu geystay Magaalada Boosaaso

Kooxo hubeysan oo dad shacabka dil iyo dhaawac ugu geystay Magaalada Boosaaso

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Deegaanada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo watay gaari ay dil iyo dhaawac u gaysteen laba ruux oo shacaba kuwaasoo isku qoys ahaa.

Weerarka oo ka dhacay nawaaxiga Xarunta Ciidamada PSF ee Boosaaso waxaa ku dhintay hal ruux halka mid kalana uu ku dhaawacmay lamana yaqaan ujeedka weerarkaasi kooxahaasi hubeysani u sameeyeen.

Hay’adaha amaanka Magaalada Boosaaso ayaa la soo sheegayaa inay dhacdadaani kadib bilaabeen baaritaano ku aadan kooxaha weerarka sameeyey,halka ay ka yimaadeen iyo ujeedkooda si sharciga ay u horkeenaan.

Maaha markii ugu horeysay oo dhacdooyin nuucaani oo kale ah ay ka dhacaan deegaanada Puntland waqtiyadaan danbe warbaahinta ayaa tabineysay kooxo hubeysan dhimasho iyo dhaawacba ka gaysanayay Garowe iyo Boosaaso.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -