ISIOLO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysani ay weerar ku qaadeen Iidle Xasan oo ah xoghayaha hogaanka odayaasha ismaamulka isiola ee Dalka Kenya.
Kooxaha hubeysan ayaa rasaas badan ku dhuftay masuulkaani waxaana soo gaaray dhaawac culus iyadoo hada arimihiisa caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka.
Weerarkaani oo xalay dhacay waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Ismaamulkaani wuxuu ugu horeyn cambaareeyay falkaasi Xoh-hayaha lagu dhaawacay, wuxuuna hay’adaha amaanka ka dalbaday inay soo qabtaan kooxaha ka danbeeya falkaani.
“looma dul qaadan karo falalka nuucaan oo kale ah , waa in la soo qabtaa kooxahaasi oo sharciga la hor keenaa”ayuu yiri Gudoomiyaha ismamulka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
