Wararka ka imaanaya degaanka Xananbuure ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin ka mid ah dadka daganaa aaga baraagta cabdi siyaad oo duleedka ka ah xananbuure.

Ninka dhintay ayaa dhaawac ahaan loo qaaday magaalada cadaado sida xogta ku helnay maleeshiyaadka falkaan gaystay ayaan la ogayn halka ay aadeen.

Habeen hore kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay maqaayad ku taalla deegaankaasi, waxaana ku dhaawacmay qof dumar ah.

Xiisadda cusub ayaa hadda ka taagan tahay deegaanka iyadoo maamulka Galmudug ay ku fashilmeen waxkaqabashada dhibaatooyinka ay sababeen dagaal beeleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here