
Wararka ka imanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay goor dhawayd xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo horay u qaatay qorigii uu watay.
Wararka ayaa sheegaya in Askariga xilliga la dilayay uu ku sugnaa Suuqa Xoolaha ee Xaafada Holwadaag, isla markaana kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Sidoo kale Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Macallin Cismaan Cabdikariin ayaa ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxaana meydkiisa goobta lagu dilay ka qaaday ciidamo ka tirsan dowladda.
Office Nairobi Kenya